Abiy Ahmed oo ka hadlay warar la xiriira dagaalka gobolka Tigrayga ka socda

ethiopia R AbiyAhmed

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ka hadlay dagaalka ay dowladiisu kula jirto maamulka Tigreyga, kaasi oo maalmihii u dambeeyay laga muujinayey walaac xoogan oo Itoobiya lugaha u galin kara dagaal sokeeye.

Abiy ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu meesha uga saaray walaaca laga qabo in Itoobiya ay gasho dagaal sokeeye, isagoona arrinkaasi ku tilmaamay mid xaqiiqo aan ku fadhin.

Waxa kale oo uu sheegay in dagaalka gobolka Tigreyga laga leeyahay sidii ay dowladda federaalka cadaalada u horgeyn laheyd qolo uu ku sheegay qaswadayaal, isla markaana ay ku soo celinayaan nidaamka sharciga ah si ay dadka nabad ugu noolaadaan.

Waxaa lagu xusay qoraalkaasi in dowladda federaalka Itoobiya ay abaal u heyso saxiibadeeda walaaca ka muujiyey xaalada Itoobiya iyo welwelkooda ku aadan in dalka Itoobiya uu lugaha la galo qalalaase siyaasadeed.

Qoraalka Abiy ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in dowladda Itoobiya ay tahay dal u madaxbanaan meelmarinta nidaamka sharciga, isla markaana ay awood u leedahay maareynta arrimaheeda gudaha.

“Howlgalka ciidanka Itoobiya ay ka wadaan waqooyiga gaar ahaan gobalka Tigreega waa mid nidaamka sharciga lagu soo celinayo si dadka ay nabad ugu noolaadan, cadaaladana ay u wajahaan qaswadayaasha” ayaa lagu yiri.

Ugu dambeyntiina waxa lagu sheegay in dhawaan uu soo afmeeri doono howlgalka ay dowladda federaalka ka bilowday gobolka Tigreyga, xili madaxweynaha maamulkaasi uu maanta ku baaqay xabad joojin iyo in wadahadal laga galo xiisada labada dhinac ee isku rogtay dagaalka.

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa weli kusii adkeysaneysa in dagaalka ay ku qaaday Tigreyga uu yahay mid loo baahna, maadaama ay ku doodeyso inay dib ugu soo celinayso kala dambeynta iyo meel marinta nidaamka sharciga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here