ABIY AHMED oo qaaday tallaabadii u dambeysay ee uu ku ciribtirayo TPLF

abiy axmed2

Xukuumadda Abiy Axmed oo dagaal xoogan la gashay maamulka TPLF ayaa gebi ahaanba ururkii maamulkaas ka saartay xisbiyadda siyaasadeed ee dalkaas, oo uu sanadihii u dambeeyay kamid ahaa xisbiyada ugu awooda badan.

Guddiga doorashada Itoobiya ayaa shaaciyey inay diiwaanka xisbiyada siyaasada ka saareen xisbiga TPLF, oo hore uga talin jirey maamulka Tigray.

Guddiga ayaa xisbiga TPLF oo ay hogaamin jireen siyaasiyiintii uu dagaalka la galay Abiy Axmed, ayaa waxay ku eedeyeen inay ka dambeeyen qalaalase siyaasadeed oo ka dhacay dalka Itoobiya.

Waxa kale oo uu go’aankan ku sababeeyay guddiga doorashada in TPLF ay qaaday tallaabooyin sharci darro ah oo lagu wiiqayo wada-jirka iyo amaanka dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddiga doorashada Itoobiya.

Sidoo kale waxa uu guddiga ka dalbaday saddex xisbi siyaasadeed oo ka jira gobolka Tigray inay sharaxaad ka bixiyaan doorashadii ay kala qeyb galeen TPLF, taasi oo suurta-galin karta haddii uu guddiga ku qanci waayo warbixintooda in laga tirtiro diiwaanka xisbiayda dalkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here