Abiy Ahmed oo TPLF ku tilmaamay Kanser ay tahay in laga ciribtiro Geeska Africa

ethiopia R AbiyAhmed

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shaaciyey inay dowladiisa ka shaqaynayso sidii xidida loogu siibi lahaa TPLF oo uu ku tilmaamay inay yihiin Cancer ay tahay in laga ciribtiro Geeska Africa.

Abiy Ahmed ayaa iclaamiyey dagaal cusub oo lagu soo ciribtirayo kooxda TPLF oo muddooyinkii ugu dambeeyey qabsaday magaalooyinka Gobolka Tigray oo ay horey u qabsadeyn ciidamada Federaalka Itoobiya.

“TPLF Xididada ayaan u siibaynaa si ay u hirgashana dhammaanteen waa inaan u midoownaa sidii aan usoo af-jari lahayn,” ayuu yiri Abiy Ahmed.

Abiy ayaa sheegay in ay dhageysteen hadallada uga imaanaya kuwa uu ku sifeeyey in aysan aqoonin TPLF, balse ay hadda garowsadeen cidda ay tahay TPLF oo ay dareemayaan in wixii ay ka shaqeynayeen aysan dhankoodaba ka hirgali karin, sida ku xusan qoraalka xafiiska Abiy Ahmed.

Abiy ayaa tilmaamay in jiidaha hore ee dagaalka loo daadgureeyay kumaan askari oo ka tirsan ciidanka Qaranka Itoobiya ENDF, isagoo sheegay in ay tasi ka dhigan tahay diyaar garowgii kooxahan lagula dagaalami lahaa, isagoo sheegay in ay kasoo horjeedaan amni & Horumar dhaqaale oo ay gaarto Itoobiya.

“Wiilashayada (askarta) ka kala yimid afarta jiho ee dalka waxay u jihayseteen sidii ay meesha uga saari lahaayeen argagixisada TPLF,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here