Abiy Axmed oo maanta magacaabay golohiisa cusub ee wasiirrada

abiy axmed2

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, ayaa maanta magacaabay golohiisa cusub ee wasiirrada.

Saddex xubnood oo ka tirsan hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa ku soo baxay liiska golaha wasiirada cusub.

Abraham Belay, oo madax ka ahaa maamulka ku -meel -gaarka ah ee Tigray -ga oo ay dawladdu samaysay ka hor intii aanay xoogagga kacdoonku dib u qabsan gobolka ayaa hadda loo magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga.

Abiy Axmed ayaa laba maalmood ka hor waxaa loo dhaariyay in shanta sanadood ee soo socota uu hogaamiyo dalkaasi kaddib markii uu xisbigiisa ku guulaystay doorashadii muranka badan uu ka dhashay ee dalkaasi ka dhacday bishii Juun ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here