Adna Aadan oo MW Farmaajo ku eedeysay inuu burburiyey qodobadii wadahadallada

edna adan

Marwo Adna Aadan Ismaaciil oo Somaliland u qaabilsan dhanka wadahadalka Soomaaliya oo la hadleysay warbaahinta ayaa eedeymo culus u jeedisay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Adna ayaa sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya uu burburiyey dhammaan qodobadii lagu heshiiyey ee ay horay u saxiixeen Madaxweynayaashii isaga ka horreeyey, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay inuu Farmaajo doonayo in hadda dib loo bilaabo wadahadallo cusub, taasina aysan u qalmin Somaliland.

“In la wadahadlo waan soo dhaweyneynaa. Wadahadalladu halkii ay marayeen laga soo billaabo kii koowaad ilaa kii lixaad, waxaa dhacayay isu soo dhawaansho, ummaddu way isu soo dhawaaneysay, waxaase nasiib darro noqotay in Madaxweyne Farmaajo uu wada inuu buriyo qodobbadii horay loogu heshiiyay oo dhan, oo intuu maalin soo toosay uu yiri saxiixyadii madaxweyneyaashii hore waxba kama jiraan, oo uu yiri diyaaradaha hallaga maamulo Muqdisho.” ayey tiri Marwo Adna Aadan Ismaaciil.

Ugu dambeyn waxa ay Adna Aadan Ismaaciil shaacisay in wahadallada ay muhiim u yihiin labada dhinac iyo shacabka, balse waxay shuruud ku xirtay in dadka ku matalaya wadahadallada dowladda federaalka aysan noqon kuwo dambiyo ka galay Somaliland.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan guddiga u qaabilsan wadahadllada Somaliland uu shaaciyey inay u diyaar garoobeen sii amba qaadida wadahadallada labada dhinac.

Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa afartii sano ee la soo dhaafay hakad ku jiray, iyadoona hadda la qorsheynayo in markale dib loo sii amba qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here