AFRICOM oo duqeyn la beegsaday dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab

AlShabaab drone

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay duqeyn la beegsadeen dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab xilli ay dagaal kula jireen Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, oo ay weerar ku qaadeen.

Qoraal kasoo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu yiri “AFRICOM waxay weerar is-difaac ah la beegsatay argagixisada Al-Shabaab oo dagaal kula jiray Ciidamada Danab iyo Ciidamada Amniga Jubaland, meel u dhow degaanka Kobon ee Jubbada Hoose, 9-kii April.”

AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in weerar labaad ay ka fulisay magaalada Jilib, maanta oo ah 10-ka April.

Duqeynta dhacday 9-ka April, ayey AFRICOM sheegtay in lagu dilay 10 ka mid ah dagaal-yahanada Al-Shabaab, halka duqeyntii maanta dhacday lagu dilay hal dagaal-yahan.

AFRICOM waxay sheegtay in labada duqeynba aysan shacab wax ku noqon.

AFRICOM ayaa bilihii dhowaa aad u kordhisay weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana agaasime ku-xigeenka howl-gallada Army Brig. Gen. Miguel Castellanos uu sheegay in duqeymaha ay saameyn xooggan ku yeesheen shabakadda argagixisada ee Al-Shabaab.

AFRICOM ayaa 7-dii bishan April shaaca ka qaaday inay xaqiijiyeen, in qof ka mid ah saddex qof oo lagu dilay duqeyn ay Soomaaliya ka fuliyeen labadii April, uu ahaa Yuusuf Jiis, oo ka mid ahaa aas-aasayaashii kooxda Al-Shabaab, islamarkaana agaasimay weeraro badan oo kooxda ay ka fulisay Soomaaliya iyo dalalka Bariga Africa qaarkood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here