AFRICOM oo qirtay inay baxsadeen qaar ka mid ah raggii fuliyey weerarkii saldhigga Manda Bay

us africom

Militariga Mareykanka ayaa qirtay inay baxsadeen qaar ka mid ah raggii fuliyey weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigga Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Weerarkaas ayaa waxaa lagu dilay saddex qof oo Mareykan ah, oo ka kooban askari iyo laba qanadaraasle, halka laba kalena lagu dhaawacay.

Afhayeenka taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM, Col. Christopher Karns ayaa email uu u diray wargeyska Washington Post ku qirtay inay baxsadeen qaar ka mid ah raggii weerarka soo qaaday.

Qirashadan ayaa imaneysa ayada oo dowladda Kenya ay horey u sheegtay in la wada dilay raggii weerarkaas fuliyey.

AFRICOM ayaa sidoo kale saraakiil sare u dirtay saldhigga Manda Bay, si ay baaritaan ugu sameeyaan weerarkaas, iyo sida ay Al-Shabaab ugu suurta-gashay inay soo galaan saldhigga.

“Al-Shabaab waa koox aan arxan lahayn, waana in wax laga qabtaa ka hor inta aysan gaarin goobo kale, oo ay ka mid tahay damacooda ah inay weeraraan muwaadiniinta Mareykanka iyo gudaha dalka Mareykanka,” waxaa sidaas yiri taliyaha AFRICOM Gen. Stephen J. Townsend.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here