Africom oo shaacisay halis ka dhalan karta qorshaha Trump ee la bixida ciidamada

us africom

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa looga hadlay qorshaha madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu ku rabo inuu ciidamadooda uga saaro Soomaaliya.

AFRICOM ayaa waxay sheegtay in qorshaha Trump uu halis amni u horseedi karo dalka Soomaaliya, oo xiligan dagaal adag kula jira kooxaha argagixisada ah, gaara ahaan Al-Shabaab.

Waxaa looga digay halistaasi ka dhalan karta hadii laga saaro Ciidamada Mareykanka ka jooga Soomaaliya, oo muddooyinkii dambe sameynayay horumar dhanka amniga ah, sida uu sheegay Afhayeenka ciidamada Mareykanka ee AFRICOM, Korneyl Chris Karns.

Chris Karns ayaa ka dhawaajiyey in ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Mareykanka ay gaadheen horumar balaadhan oo dhanka amniga, isla markaana ay muhiim tahay in taageerada caalamku uu sii joogteeyo, midaasi oo meesha ka saareysa halista Al-Shabaab.

Afhayeenka oo wareysi siiyey wargeyska Washington Examiner ayaa shaaciyey in halista Al-Shabaab ee xiligan ku kooban gobolka ay noqon karto qatar mustaqbalka ku wajahan Mareykanka, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa wada qorshe uu ciidamada Mareykanka ee jooga dalal ay kamid tahay Soomaaliya, uu dib ugu soo celiyo waddanka, taasi oo kamid aheyd balamo uu hore u qaaday xiligii uu ku jiray ololaha madaxtinimada.

Sida lagu yiri warbixin ay baahisay warbaahinta Bloomberg, Trump ayaa raba in uu markale ku ololeeyo in ciidamo badan oo Mareykan ah oo dalal kala duwan u jooga dagaalada uu dib ugu soo celiyay waddanka, taasi oo ay dhawaan bilowday qorshaheeda Wasaaradda Gaashaandhigu.

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa billowday inay qorshooyin u diyaariso madaxweynaha, waxaana wada-xaajoodyada arrintan ku saabsan qeyb ka ah la-taliyaha amniga qaranka Robert O’Brien, Wasiirka Gaashaandhigga Mark Esper, iyo taliyaha guud ciidamada Mark Milley, sida ay sheegeen ilo-wareedyada.

Dowladda Mareykanka ayaa waxay kamid tahay dowlaha taageera Soomaaliya, gaar ahaan dhanka howl-galada ka dhanka argagixisada, waxaana gudaha dalkeena ka jooga  ku dhawaad 650 ilaa 800 oo askari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here