Africom oo shaaciyey sababta ay u hakadeen duqeymihii Soomaaliya

us africom

Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa, AFRICOM wax duqeymo ah kama fulin Soomaaliya muddo shan toddobaad ah, taasi oo ah waqtigii ugu dheeraa ee sidaas ay dhacdo in ka badan hal sano.

Si kastaba, mudadaas duqeymo way ka dhaceen Soomaaliya, hase yeeshee waxaa jira dalal kale oo Mareykan aan ahayn oo dalka duqeymo ka fuliya, balse sida Mareykanka aan ka hadlin.

Afhayeen u hadlay AFRICOM, oo uu soo xigtay wargeyska Stars and Stripes ee ka faallooda arrimaha ciidamada Mareykanka, ayaa haddaba sharxay sababta duqeymaha aysan u dhicin in ka badan bil.

“Ayada oo lagu guda jiro xilli roobaadkii, waxaa jiri kara is-beddelo ay samaynayaan Al-Shabaab oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqooda guud,” ayuu yiri afhayeen Col. Chris Karns.

“Mar walba waa jiraa dadaalka, balse mar walba lama helo fursad lagu fuliyo duqeymo, balse maranba ma jirto joojin lagu sameeyey duqeymaha,” ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa waxaa hadda ka socda daadad xooggan oo barakiciyey 300,000 oo qof, sida ay sheegtay QM, waxaana tani suurta-gal ah inay yareysay socodkii iyo dhaqaaqyadii dagaal-yahanada Al-Shabaab ee AFRICOM ay beegsan jirtay.

Weerarkii ugu dambeeyey ee Mareykanka ay shaaciyaan inay ka fuliyeen Soomaaliya ayaa dhacay 10-kii April – Markaasi oo ay ahayd billowgii xilli roobaadka – taasi oo hakisay weeraro is-daba joog ah oo lala beegsanayey Al-Shabaab.

Inkasta oo shan toddobaad aysan AFRICOM fulin wax duqeymo ah, haddana waxay sanadkan fulisay guud ahaan 40 weerar, taasi oo ku socota inay aad uga badato tii sanadii hore oo ahayd 63.

“Awooddii aan ku daawaneynay weli waa jirtaa, haddii fursad ay timaado, duqeyntuna tahay waxa ugu haboon ee la sameyn karo, duqeymaha dib ayey u billaaban doonaan,” ayuu yiri Karns.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here