AFRICOM oo sheegatay inay duqeyn ku dishay sarkaal shabaab ka tirsanaa

AlShabaab drone

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn cusub oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka fulisay gudaha dalka Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee Africa ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in ayada oo la kaashanayao dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay AFRICOM duqeyn ka fulisay degmada Jilib, 2-dii Febraayo. Duqeyntaas ayaa AFRICOM waxay sheegtay in lagu dilay hal sarkaal oo Shabaab ah.

AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in cid shacab ah aysan waxba ku noqon duqeyntii ugu dambeysay.

“Al-Shabaab waxaa koox xiriir la leh Al-Qacida oo dooneysa inay fidiso ajandaheeda jihaadiga ah. Cirib-tirka xitaa hal argagixiso waa mid gobolka iyo Mareykankaba ka dhigeysa ammaan.” Waxaa sidaas yiri Jeneral William Gayler oo ah agaasimaha howl-gallada ee AFRICOM.

Gayler ayaa sheegay in cadaadis joogto ah oo la saaro Al-Shabaab uu muhiim u yahay in laga hortago in kooxdan ay dhisto deegaan ammaan ah oo ay kasoo dhoofiso rabshadaheeda.

AFRICOM ayaa intaas ku dartay inay sii wadi doonto inay saaxiibadeeda kala shaqeyso sidii mas’uuliyadda amniga ee mustaqbalka loogu wareejin lahaa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here