Agaasime wasaaradeed ka tirsan DF oo xalay gurigiisa looga xiray kiis musuq-maasuq oo culus

astaanta soomaaliya

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay gurigiisa ka kaxeeyey oo xiray agaasimihii Agaasimihii Waaxda Maaliyadda ee Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Maxamuud Maxamed Buulle, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Agaasimaha la xiray ayaa lagu soo eedeeyey kiis musuq-maasuq oo lacag badan lagu lunsaday, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan xafiiska hanti-dhowrka iyo kan ra’iisul wasaare Kheyre, oo codsaday inaan la magacaabin.

Waxaa muhiim ah inaan xusno in agaasimaha la xiray uu yahay dambi-laawe, inta maxkamad laga horkeenayo oo dambiga lagu eedeeyey lagu caddeynayo.

Wararka ayaa sheegaya in agaasimaha lagu eedeeyey uu leexsaday lacag dowladda ka heshay hay’ado caalami ah, oo loogu talo-galay in lagu fuliyo mashruucyo caafimaad, ayada oo aan la ogeyn halka lacagtaas ay aaday.

Kiiskan oo ah mid weyn, sida aan xogta ku helnay, ayaa waxaa sidoo kale laga yaabaa inuu lugaha la galo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda caafimaadka, waxaana weli socda baaritaan uu wado xafiiska hanti-dhowrka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in lacagta maqan la tuhunsan yahay in loo adeegsaday suuqyada sarifka lacagaha online ee Forex, waxaana jirta surta-galnimo ah in la doonayey in lacagta laga faa’iideysto, kadibna marka faa’iido laga sameeyo dib loogu soo celiyo akoonada wasaaradda, inkasta oo taas  aan la hubin.

Xariga Maxamuud Maxamed Buulle ayaa yimid kadib markii shalay Hantidhowrka Guud uu baaritaan deg deg ah ku sameeyay Xafiiska Agaasimaha, taasoo soo dedejisay xarigiisa.

Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa mucaaradka,  ayaa dhowr jeer oo  horey sheegay in qaar ka mid ah xafiisyada dowladda ay lacagihii umadda u adeegsanayaan inay ku maal-gashtaan suuqyada Forex, waxayna hadda u muuqataa in xogtii ay bixiyeen xilligaas laga yaabo inay wax ka saxneyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here