Ahlu Sunna oo bilowday Gor gortan cusub si ay u ogolaadaan Doorashada Galmudug

shiikh shaakir iyo sabriye

Kooxda Ahlu sunna oo tiro xildhibaano ah ku leh Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa hada caqabad ku noqotay habsami u socodka doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa ee la filayo in dhawaan ka dhacdo magaalada dhuusomareeb.

Xildhibaano katirsan Ahlu Sunna xubina ka ahaa guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa qaadacay hogaan ay guddigaasi yeesheen, waxa ay sidoo kale Xildhibaanada Ahlu Sunna diideen kasoo qeyb galka kulamada Baarlamaanka.

Sida aan wararka ku heleyno kooxda Ahlu Sunna ayaa hada bilowday gorgortan cusub si ay u aqbalaan doorashada Madaxweynaha Galmudug qeybna uga noqdaan Xildhibaanadooda kulamada Baarlamaanka.

Masuuliyiin katirsan dowlada federaalka iyo Hogaanka cusub ee Baarlmaanka Galmudug oo la kulmay hogaanka Ahlu Sunna ayaa waxa ay kala kulmeen lama filaan, kadib markii Ahlu Sunna la timid gorgortan siyaasadeed oo cusub.

Hogaanka Ahlu Sunna ayaa la sheegay in ay dalbadeen in la sameeyo Madaxa Xukuumada Galmudug sidoo kale la siiyo, waxa ay sidoo kale dalbadeen hadii taasi dhici weyso in Galmudug yeelato Madaxweyne kuxigeen labaad lana siiyo kooxdooda.

Gorgortankan cusub ee la timid kooxda Ahlu Sunna ayaa u muuqata mid ay ku abuureyso carqalad hor leh oo soo wajaheysa maamul u dhisida Galmudug, waxa ayna kooxdan ku adkeesaneysaa hadii aan rabitaankeeda la tixgalin doorasho kale qabanayaan.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Ahlu Sunna ugu jiray Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa go’aankoodii hore badalay waxa ayna ogolaadeen in kulamada Baarlamaanka ka qeybgalaan ayna qabsoonto doorashada.

Waxaa sidoo kale Dhuusomareeb ku socda dadaalo lagu kala fur furayo xildhibaanada Ahlu Sunna ee sida tooska ah uga amar qaata Macalin Maxamuud si kooxdaasi rabitaankooda iyo gorgortankooda meesha looga saaro.

Dowlada federaalka iyo kooxda Ahlu Sunna ayaa horey ugu heshiiyay in Ahlu Sunna laga siiyo 20-xubnood Baarlmaanka Galmudug, mana jirin heshiisyo kale oo la cadeeyay oo labada dhinac galeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here