Ahlusuna oo ka hadlay Xildhibaanada ay u gudbiyeen Guddiga Doorashooyinka

ahlusuna1

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo kamid ah hoggaanka Ururka Ahlusunna Wal-Jamaaca ayaa ka hadlay 20-ka xildhibaan ee laga siiyey Barlamaanka Galmudug, kaas oo Maanta ay u gudbiyeen Guddiga farsamada iyo dhismaha Galkmudug.

Waxaa uu sheegay Sheekh Shaakir oo Xubnahaan ay gudbiyeen ay buuxiyeen shuruduudihii laga rabey Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug.

Waxaa uu u mahadceliyey dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka oo uu sheegay inay doorweyn ka qaadanayaan dhismaha Galmudug mideysan oo loo dhan yahay.

Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa maanta soo bandhigay liiska 20-ka Xildhibaan ee laga siiyay Baarlamaanka Galmudug, kaas oo hordhac u ah Xildhibaanada la soo xulayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here