Ahmed Diiriye oo ku guulaystay Gudoomiyaha Gudiga Xubnaha Golaha dhexe ee SSC

axmed diiriye

Axmed Diiriye ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee xubnaha Gudiga dhexe Central Cometee Members ( CCM) ee degaanada Sool Sanaag iyo cayn, doorasho si weyn looga soo shaqeeyay islamarkaana ay iskugu soo hadheen Axmed Gacmayare iyo Axmed Diiriye

Xubnaha codadka bixinayay oo dhamaa 45 xubnood oo horey looga soo xulay dhamaan beelaha gobolada Sool Sanaag iyo Cayn ayaa waxaa ku guuleystay Axmed Diiriye oo helay 24 cod, halka Axmed Gacmayre uu helay 20 cod waxaana xumaaday hal cod

Gudoomiyaha cusub ayaa waxaa horyaala arimo badan oo ay ugu horayso isu keenida dadka deegaanka SSC oo qaarkood ka niyad jabay maamulo iyo jabhaddo horey u fashilmay.

Gudoomiyaha cusub axmed diiriye wuxuu horey u ahaa gudoomiyaha ururka Kaafi ee ka hawlgali jiray qeybo kamid ah Sool iyo Sanaag wuxuuna sanadadii u dambaysay xaruntiisu ahayd magaalada garowe oo hay,addo kala shaqayn jiray dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here