Akhriso Guudlaawe oo soo saaray liiska murashaxiinta Aqalka Sare ee HirShabelle

calanka hirshabeelle

Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa soo saaray liiska musharixiinta 8-da kursi oo ay HirShabelle ku leedahay Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Liiska Musharixiinta ee uu soo saaaray Cali Guudlaawe ayaa waxaa ka muuqda inu yahay liis furan oo ay ku tartami doonaan siyaasiyiin magaca ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana ugu adag kursiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxow.

Kursiga Muuse Suudi Yalaxow ayaa waxaa ku tartamayo illaa 4 musharax oo kale, wuxuuna noqon doonaa kursi si weyn loogu tartamo, waxaana kurisgan ku tartamayo.

1- Muuse Suudi Yalaxow
2- Cabdullaahi Sheekh Xasan
3- Axmed Xasan Caddo
4- Xaaji Muxyadiin Xasan Afrax
5- Dr. Xasan Caddaay Cali

Sidoo kale, kursiga uu ku fadhiyo Dr. Cusmaan Dufle ayaa la filayaa inuu tartan adag ka dhasho, waxaana murashaxiinta u taagan lagu soo daray safiirrka Soomaaliya ee Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Inta badan kuraasta Aqalka Sare ee HirShabele ayaa waxaa ku tartamayo 4 illaa 6 musharax, wuxuuna Cali Guudlaawe noqday madaxweynaha kaliya ee ogolaaday in musharixiinta ay si cadaalad ah u tartamaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here