Akhriso: Heshiis laga gaaray Arrimaha Galmudug (Ahlusuna oo loo ogolaaday 20-kursi)

shiikh shaakir iyo sabriye

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in heshiis laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo Ahlusuna ee ku aadanaa arrimaha dhismaha Maamulka Galmudug.

Wada hadalo maalmihii la soo dhaafay u socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo Hoggaanka Ahlusuna ayaa kama dambeys waxaa saaka laga gaaray heshiis buuxa, iyadoo la xaliyay tabashooyinkii dhanka Ahlusuna iyo caqabadihii ku hor-gudbanaa geeddi socodka dhismaha maamulka Galmudug.

Ahlusuna ayaa loo ogolaaday 20 kursi oo Xildhibaanada oo ah qoondada Baarlamaanka Galmudug, kaasoo ka imaanaya 89 kursi ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, waxaana qodobkan ahaa kan ugu weynaa ee ay isku hayeen dowladda Federaalka iyo Ahlusuna, maadaama Ahlusuna dalbaneysay in la siiyo 35 kursi oo qeyb ka ahaa heshiiskii hore.

Wada hadaladan u socday dowladda Federaalka iyo Ahlusuna ayaa waxaa mira dhalkiisa gacan ka geysatay Beesha Caalamka oo ku cadaadineysay dowladda Federaalka inay tixgeliso tabashada Ahlusuna.

Halkan hoose ka akhriso war saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka soo saartay heshiiska:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here