Al-Shabaab iyo dadka deegaanka Ceel-Cali oo ku dagaalamay dhagax qaali ah

macawisley

Wararka naga soo gaarayo Gobolka Hiiraan, Gaar ahaan deegaanka Ceel-Cali ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac kaasoo u dhaxeeyey dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo dadka Deegaanka.

Dagaalka dhex maray dadka Deegaanka Ceel Cali iyo Al-Shabaab ayaa yimid kadib markii deegaanka lagu arkay Dhagax qaali ah oo dadka deegaanka ay heleen.

Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab oo maqlay Dhagaxa Qaaliga ah ee heleen dadka Ceel Cali ayaa weerar kusoo qaaday, waxayna taas keentay inuu qarxo dagaal dhiig badan ku daatay.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka, dagaalka ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo Shacab ah, halka ay sidoo kale ku dhaawacmeen ilaa 5 qof oo kale.

Sidoo kale dagaalka ayaa wuxuu Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh kasoo gaaray maleeshiyadii ka tirsaneyd Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan golaha shacabka kana soo jeeda deegaanada lagu dagaalamay ayaa sheegay in Al-Shabaab ay loo soo farmuqay dadka helay dhagaxdaas, taas oo sababtay in ay weerar ku qaadaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhagaxda gaadiid sida lagu qabtay deegaanka Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii ay ka war heleen in Muqdisho loo soo wado, si looga iibiyo dadka daneeya.

Odayaasha Dhaqanka Deegaanka Ceel Cali ayaa arrintaan ku tilmaamay wax laga xumaado, iyagoo xusay in Dhagaxaas uu keenay dhimashada 2 qof oo Shacab ah iyo dhaawaca tiro intaas ka badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here