Al-Shabaab oo cagta marisay saldhig ciidan oo ku yaalla gudaha Kenya

shabaab2

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar markale Al-Shabaab ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan saldhig ciidamada dalka Kenya ay ku leeyihiin nawaaxiga magaalada Gaarisa.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lala bartilmaameedsaday saldhigga oo ku yaalla deegaanka Goorisa oo hoostaga magaaladaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Al-Shabaab oo ka hadashay waxa ay sheegtay in dagaalyahannadooda ay gudaha u galeen saldhigga, islamarkaana ay cagta marayeen, sida ay hadalka u dhigtay.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay burburisay agab milatari oo gawaari ay ku jiraan oo saldhigga yiilay.

Illaa iyo hadda ma cada khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerarkaasi oo sababay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo laamaha amniga Kenya, gaar ahaan Booliska ay ka bixiyeen falkaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaada gobolka Waqooyi Bari, gaar ahaan deegaanada u dhow xadka Soomaaliya, kuwaas oo geysta khasaare kakla duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here