Al-Shabaab oo dagaal kula wareegtay Jaziirada Kudhaa

alshabab somalia

Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa aroornimadii saaka weerar culus ku qaaday saldhigga ciidanka Daraawiishta Maamul Goboleedka Jubbaland ee ku leeyihiin Jazeeradda Kudhaa ee hoostagta Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkii saaka ay ku qaaday Kudhaa ay ka gaartay guul weyn kadib markii ay gacanta ku dhigtay saldhigyada Cidamada Daraawiishta Jubbaland ee Jaziiraddaas.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegatay in markii Xerada ay qabsadeen ay qaadatay Hub & agab ciidan oo ay lahaayeen ciidamada Daraawiishta ee saldhigga joogay, halka ay gubeen Gaadiidkii yaallay xerada ay weerarka ku qaaday.

Kooxda Al-Shabaab ma aysan sheegin khasaaraha dhimashada oo ay gaarsiiyeen ciidamada Maamulka Jubbaland, mana aysan soo bandhigin caddeymo muujinayo inay qabsadeyn saldhigga Kudhaa ee ciidamad Jubbaland.

Dhanka kale, Maamul Goboleedka Jubbaland illaa haatan kama aysan hadlin sheegashada Al-Shabaab ee la xiriirta in ay gacanta ku dhigeen Saldhiggoodii Jaziirada Kudhaa Degmada Badhaadhe ee Gobolka Gobolka Jubada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here