Al-Shabaab oo dib ula wareegtay Tooratoorow iyo wararkii ugu dambeeyey

alshabab somalia

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya saacadihii la soo dhaafay ay dib uga soo baxeen deegaanka Tooratoorow oo ay shalay kula wareegeen si nabdoon.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidanku xalay ay soo faarujiyeen deegaanka, islamarkaana ay dib u qabsatay kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa intii ku sugnaayeen Tooratoorow ayaa waxaa ka sameeyeen baaritaano lagu soo qab qabtay illaa 10 ka tirsan Al-Shabaab, oo uu ku jiro Garsoore maxkamadeed, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ki daraya in dagaalyahannada oo aad u hubeysan ay isku ballaariyeen deegaanka, islamarkaana ay ka sameysteen fariisimo cusub.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana gobolka Sh/ Hoose ee koonfur Galbeed Soomaaliya laga dareemaya dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac.

Tooratoorow ayaa ah deegaan istaraatiiji ah, waxaana Al-Shabaab ugu yaallay maxkamado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here