Al-Shabaab oo isku dayey inay khaarijiyaan Kibaki iyo Raila ODINGA – Warbixin

shabaab sarkaal

Dagaalyahanada Al-Shabaab ee ayaa 2012-kii isku dayey iney khaarijiyaan madaxweynihii hore dalka Kenya Mwai Kibaki iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee xiligaas Raila Odinga, sida ay baahiyeen warbaahinta Kenya.

Xogtan ayaa laga ogaaday dokumentiyada ay dowladda Kenya u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ, ee la xiriira kiiska dacwadda badda Soomaaliya.

Xogtan ayaa lagu sheegay in intii u dhaxeysay June iyo October sanadkaas la ogaaday in sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo aan magaciisa la shaacin uu booqashooyin ku tagayay magaalada Nyeri si uu ula socdo dhaq-dhaqaaqa Kibaki.

Isla waqtigaas, koox lagu magacaabo Al-Hijra oo la rumeysan yahay inay xiriir la leedahay Al-Shabaab ayaa ku raad joogtay hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.

Dokumentiyada ay gudbisay Kenya ayaa soo xiganaya warbixin ay ay 2013-kii soo saartay kooxda kormeerka cunaqabateynta hubka Soomaaliya ee UN Monitoring oo uu ku jiro cod laga duubay Amir Ahmed Iman oo ka tirsan kooxda Al-Hijra oo faah-faahinaya shirqoolka lagu dilayo Kibaki iyo Odinga.

“Igu xira bamka aniga, oo ii ogolaada inaan isku qarxiyo dhismaha baarlamanka Kenya, yaysan cidna bad-baadin, xitaa madaxweyne Kibaki,” ayuu Amir ku yiri codka laga duubay.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Abubakar Shariif Ahmed oo loo yaqaan Makaburi uu maleeshiyo Soomaali ah kala shaqeynayey in la qoro dagaal-yahano shaqadoodu tahay inay dilaan Kibaki oo xilligaas howlgab ahaa iyo Odinga.

Warbixintaan oo lagu daabacay bogga hore ee jariidada Daily Nation in saraakiisha Kenya ay ka hortageen shirqoolka Al-Shabaab kadib markii xogta uu soo gudbiyey nin si hoose ula shaqeeya sirdoonka Kenya oo ayaga ku dhex-jiray.

Warbixinta ay Kenya gudbisay ayaa cinwaan looga dhigay Shirqool ka dhan ah qaranka Kenya: Baarlamanka, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Si kastaba, xitaa haddii sida ay Kenya wax u sheegeyso ay u jiraan, ma cadda waxa iska galay arrintan iyo kiiska badda, hase yeeshee waa astaan kale oo muujineysa sida xaalka dacwadda badda uu ugu xun yahay Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here