Al-Shabaab oo la wareegtay deegaan ku yaalla dalka Kenya

shabaab2

Dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in xalay saqdii dhexe ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Dhicise oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Gaarisa gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

War ka soo baxay Al-Shabaab, laguna baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka ayaa lagu sheegay in ciidamada Booliska dalka Kenya ay ka qabsadeen deegaankaasi, islamarkaana ay dab qabad siiyeen xarun ay shirkadda Safaricom ku laheyd halkaasi.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay inay saanad Milatari ka soo qaadatay saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Dhicise, sida ay hadalka u dhigtay.

“Mujaahidiinta ayaa howlgal ay ka fuliyeen dhulka NFD ee gummeysiga kujira waxay kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Dhicise oo dhaca duleedka degmada Gaarisa, ciidamada saliibiyiinta Kenya ayaa isaga firxaday deegaanka kadib markii ay ubabac dhigi waayeen gulufka Mujaahidiinta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo ka soo baxay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha ciidamada Booliska dowladda Kenya oo ku aadan weerarkaasi, iyadoona haatan xaaladdu ay kacsan tahay.

Inta badan dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro xoogan ku qaada gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here