AL-SHABAAB OO MAR KALE TOOGTAY 5 QOF OO AY KU EEDEEYEEN INAY JAAJUUSIIN AHAAYEEN

alshabab somalia

KooxdaAl-shabaab ayaa waxay toogasho ku fuliyeen mar kale shan qofood oo ay ku eedeeyeen inay basaabiisn ahaayeen, waxaana ay toogashadani ka dhacday deegaanka Salagle ee gobolka Jubbada Dhexe.

Goobta ay ka dhacday toogashadan Shantaan Qof oo dhamaantood rag ahaa waxaa ku sugnaa boqolaal ka mid ah shacabka deegaankaas, kuwaasoo Al-shabaab ay ku amreen inay fagaarahaas tagaan si toogashada u daawadaan.

Shanta ruux ee ay Al-shabaab ku toogatay meesha fagaaraha ah ayaa lagu kala sheegay magacyadooda;

  1. Maxamuud Bashiir Hilowle oo ay ku eedeeyeen inuu la shaqeynayay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da.
  2. C/xakiin Xuseen Cabdi Nuur oo ay ku eedeeyen inuu la shaqeynayay Dowlad-goboleedka Jubbaland.
  3. C/raxiim Axmed Yuusuf oo lagu eedeeyay inuu sirdoonka Mareykanka la shaqeynayay.
  4. Isxaaq C/llaahi Xasanoow oo ay kooxda Al-shabaab ku eedeeyaan inuu la shaqeynayay maamulka Koonfur-galbeed.
  5. Idiris Yuusuf dhallin oo lagu eedeeyay inuu la shaqenayay ciidamada ban-craft ee ee uu tababaray Mareykanka.

Qaaliga Maxkamadda Al-shabaab ayaa ku dhawaaqay xukunka lagu dilay shantaan qof, isagoo sheegay in deegaanno kala duwan laga soo qabtay, isla markaana ay iyagu qirteen dambiyada lagu soo eedeeyay, sidaas darteedna ay ku xukumeen dil toogasho.

Ugu dambeyn, Waa maalintii labaad oo xriir ah oo ay kooxda Al-shabaab ku fuliyaan toogasho dad ay ku eedeynayaan inay la shaqeeyaan DF iyo dalalka taageera, waxaana maalin ka hor fagaaro ku yaalla deegaanka Xagar ee gobolka Jubbada Hoose ay ku toogteen shan ruux oo rag ah oo ay dhamaan ku eedeyisnaa basaasnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here