Al-Shabaab oo markale weerar ka fulisay BALCAD

shabaab2

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidanka dowladda ay ku leeyihiin degmadaasi, taas oo ku taalla wadada ka timaada Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib labada dhinac uu dhexmaray iska hor imaad socday muddo daqiiqado ah, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahanadii weerar qaaday ay markii dambe dib u gurteen, iyadoona goobihii lagu diriray ay ku suagn yihiin ciidanka dowladda.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Balcad, balse xaaladda ayaa saaka degan, waxaana degmadaasi howlgalllo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii ay Al-Shabaab weerar culus ku ekeysay degmada Balcad oo xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here