Al-Shabaab oo markale weerar ka fuliyey gudaha Kenya

alshabab somalia

Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dagaalyahanada weerarka qaaday ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay beegsadeen saldhig ciidamada Booliiska Kenya ay ku leeyihiin duleedka magaalada Mandera.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray ciidamadii ku sugnaa saldhigga la weeraray oo ku yaalla deegaanka Sheekh Barrow iyo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, kaas oo muddo kooban socday.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in khasaare kala duwan uu ka dhashay iska hor imaadka dhex-maray labada dhinac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Dhinaca kale dagaalyahanada Al-Shabaab oo war ka soo saaray weerarkaasi ayaa sheegtay inay ku gubeen labo gawaari oo ay lahaayeen ciidamada Kenya.

Illaa hadda ma jiro wax faah faahin ah oo saraakiisha ammaanka Kenya ka bixiyeen weerarkan iyo dagaalka xigay intaba.

Xaaladda meeshii lagu diriray ayaa haatan degan, waxaana goobta isaga baxsday dagaalyahanadii weerarka qaaday.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare xoogan geysta ka fuliya gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here