Al-Shabaab oo saaka weerartay bar koontorool oo ku taala degmada Balcad

shabaab2

Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday saakay bar koontorool oo ku taala degmada Balcad, sida wararka lagu helayana waxeyu iska caabin xoog leh kala kulmeen ciidankii dowladda ee halkaas joogay.

Sida dadka deegaanka ay ku warameen ilaa iyo hadda waxaa la ogyahay in rasaasta labada dhinac ay is weydaarsanayeen ay ku dhaawacmeen laba caruur oo wada dhashay kuwaas oo rasaas habow ah ay gurigooda ugu tagtay.

Dhaawaca caruurta oo mid ka mid ah uu daran yahay ayaa lasoo wariyay in loo soo qaaday magaalada Muqdisho, weerarka ayaana kusoo aadaya xilli guddi ku sugan Balcad ay baarayaan dil wadareedkii loo geystay shaqaalahii caafimaadka ee ku sugnaa Gololey.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaan ka hadlin wixii dhacay, sidoo kale dhinaca dowladda ma jiro masuul ka hadlay oo ka waramay wixii meeshaas ka dhacay.

Walina lama oga khasaaraha labada dhinac kala gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here