Al-Shabaab oo shaacisay khasaaraha ka dhashay weerar ka geysteen Gaarisa

alshabab somalia

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerar xalay ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Sareedo Bilcaan oo hoostaga magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari.

War ka soo baxay Al-Shabaab, laguna baahiyey Internet-ka ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay la beegsatay saldhigga deegaankaas iyo iyo xarunta Safaaricom.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in dagaalyahannadu ay dileen labo askari, ayna gubeen saldhig ciidanka Booliska Kenya ay ku lahaayeen halkaasi.

“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa xalay weerar guulaystay ka fuliyay deegaanka Sareedo Bilcaan oo hoos taga Gaarisa, mujaahidiintu waxay weerarka ku dileen 2 askari oo katirsan ciidamada Booliska dowladda Saliibiyadda Kenya waxayna gubeen saldhiggii deegaanka iyo xarunta shirkadda Safaricom.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Al-Shabaab.

Dhinaca kale taliye ku xigeenka Booliska Gaarisa, Kibet Bowen oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaasi ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka, islamarkaana ay iska caabin xoogan ku sameeyeen dagaalyahannadii hubeysnaa ee soo qaaday dagaalka.

Kibet Bowen ayaa sidoo kale tilmaamay inay ciidamadu toogasho ku dileen labo ka tirsanaa dagaalyahannadii weerarka qaaday, isaga oo intaasi ku inay ka furteen laba qoray oo nooca AK47 ah iyo bambaanooyin, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in weerarkaasi ay ku dhinteen illaa afar qof oo shacab ahaa, kuwaas oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Axadii ayey aheyd markii dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab weerar khasaare badan geystay ay ku qaadeen saldhig lagu magacaabo Simba oo ku yaalla gobolka Lamu, kaas oo ay si wadajir u daganaayeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa milatariga dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here