Al Shabaab oo shaaciyey inay la wareegeen dabna qabadsiiyeen xarun ku taalla Kenya

alshabab somalia

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar dhowr jiho ah oo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen duleedka magaalada Mandera, gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Weerarka ayaa lagu soo warramayaa in si gaar ah loola beegsaday xarun shirkadeed oo ku taalla nawaaxiga magaaladaasi.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan ayaa shaacisay inay ku qaaday xarun ay laheyd shirkad Kenya u qaabilsan sameynta xuduudaha, islamarkaana ay dagaal la gashay ciidamo ku sugnaa halkaasi.

Qoraalka ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa sidoo kale lagu sheegay in xaruntaasi ay la wareegeen dagaalyahannadu, kadibna ay dab qabadsiiyeen agabkii yiilay halkaasi oo isugu jiray gawaari Cagaf-Cagaf ah iyo Matooro.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ammaanka ee dowladda Kenya, kuna aadan weerarkaasi iyo khasaaraha ka dhashay.

Muddooyinkii dambe kooxda Al-Shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ka fuliso gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari.

Dhowaan ayey aheyd markii laba weerar oo khasaaro geystay ay ka fulisay agagaarka magaalooyinka Wajeer iyo Gaarisa ee gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here