Al-Shabaab oo sheegatay musuuliyadda qarax iyo weerar Kismaayo ka dhacay

alshabab somalia

Ururka Al-Shabaab ayaa durba sheegtay Mas’uuliyadda weerar iyo qaraxyo lagu qaaday Hotel ku yaal Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Jubbaland.

Jugta qarax xooggan ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Hoteel ammaankiisa si aad ah loo ilaaliyo oo ay deganyihiin siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin katirsan maamulka Jubbaland.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al-Shabaab  ayaa lagu sheegay in xoogagoodu ay weerar xooggan ku qaadeen Hoteelka Cascaseey

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi iyo Inqimaasi ah ku qaaday mid kamida Hoteellada ay deganyihiin saraakiisha maamulka Jubbaland” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalyahannada weerarka qaaday ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta Hoteelka Cascaseey halkaas oo ay ka wadaan toogasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here