Al-Shabaab oo toban sano kadib faarujiyay Janaale

alshabab somalia

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay faarujiyay degmada Janaale ee gobalka Shabeellada Hoose kadib markii ay ku soo dhawaadeen ciidamada Milateriga Soomaaliya.

Ciidankaan oo ka baxay Awdheegle ayaa ku sugan nawaaxiga Janaale, waxaana la sheegay in saacadaha soo socda ay suurtagal tahay in ay gudaha u galaan degmadaasi oo ay muddo dheer maamulayeen Al-Shabaab.

Ma cadda in Al-Shabaab ay toos uga baxeen aagga, iyo inay joogaan tuulooyinka ku hareereysan, oo tani ay xeelad tahay.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in ciidanka howlgalkaan wada ay yihiin kuwii laga qaaday Muqdisho ee Koofiya Cas, waxaana hogaaminaya saraakiil ay ku jiraan kuwii Marka ka qabtay Al-Shabaab.

“Ma jirto awood ciidan oo na hortaagan laakiin waxaa ka cabsi qabnaa qaraxyo dhulka la geliyay si tartiib ah ayey u galayaan ciidanka” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo la hadlay qaar saxaafada ka tirsan.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa toddobaadyadii dhowaa kordhiyey duqeymaha ay la beegsanayaan Janaale, ayada oo toddobaadkii tagay kaliya laga fuliyey laba duqeyn, inkasta oo mid ka mid ah la sheegay inay ku dhinteen shacab.

Degmada Janaale ayaa ka tirsan degmooyinka ay mudada dheer maalayaan Al-Shabaab waana degmada saddexaad oo ay gobalkaas ka joogaan.

Al-Shabaab hadii ay gacantooda ka baxdo Janaale waxay ku hari doonaan Sablaale iyo Kuntuwaarey oo ka tirsan degmooyinka ay hadda maamulaan ee gobalka Shabeellada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here