Al-Shabaab oo war xasaasi ah ka soo saartay dilkii Nabadoon Cabdirisaaq Yuusuf Shabeel

shabaab sarkaal

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dil xalay fiidkii hore Dayniile loogu geystay Nabadoon Cabdirisaaq Yuusuf Shabeel.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in marxuumka ay toogashu ku dileen Xoogagooda, kadibna ay goobta isaga dhaqaaqeen.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay kooxa Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Marxuum Cabdirisaaq Shabeel uu la shaqeynayey sirdoonka Mareykanka, islamarkaana uu ku lug lahaa culumo loo gacan galiyey Mareykanka, sida lagu yiri warka Al-Shabaab.

“Mujaahidiinta ayaa howlgal qorshaysan ku dilay Cabdi Yuusuf Shabeel oo u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka CIA kaalina ku lahaa raafkii ka dhankaa culimadii Mareykanka laga iibsan jiray xiligii dagaal oogeyaasha.” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Al-Shabaab.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda federaalka, gaar ahaan laamaha amniga oo ku aadan dilka Nabadoonkaasi oo ka dhacay xaafada Barwaaqo ee Dayniile, waxaana la toogtay xilli uu ka soo baxay Masjid ku yaalla halkaasi.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa inta badan dilal qorsheysan iyo weeraro gaadma ah ka fuliya qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here