Al-Shabaab oo weerar khasaare dhaliyey ku qaaday bas u socday caasimada Kenya ee Nairobi

war deg deg

Maleeshiyo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday bas ka yimid magaalada Mandhera una socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ugu yaraan saddex qof oo rakaab ahaa ayaa illaa hadda la xaqiijiyey in lagu dilay weerarkan oo ka dhacay degaanka Sarman ee Mandhera, ayada oo shan kalena lagu dhaawacay.

Maamulka shirkadda Moyale Raha, oo lahayd baska la weeraray, ayaa sheegay in baska oo Mandhera ka tagay aroortii hore ee saaka, rasaas oodda looga qaaday isaga oo ku wajahan Nairobi.

“Waxaa nalo sheegay in kooxda hubeysan ay baska rasaas uga fureen taayarada, hase yeeshee darawalka uu xawaaraha dheereeyey kadibna rasaas kale uu la kulmay,” waxaa sidaas yiri qof ka tirsan shirkadda.

Guddoomiyaha County-ga Mandhera, Onesmus Kathya ayaa xaqiijiyey weerarka, hase yeeshee waxa uu sheegay in xafiiskiisa uusan hayn faah-faahin dheeri ah.

“Waxbaa dhacay, balse waxaan weli sugayaa faah-faahinta,” ayuu yiri Onesmus Kathya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here