Al-Shabaab oo weerar ku qaaday magaalada Marka

alshabab somalia

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa salaadii makhrib ee caawa kadib waxay weerar ku bilaawday qaraxyo ku qaadeen magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Wararkii ugu dambeeyey aan ka heleyno Marka waxa ay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka ee ku sugan magaaladaas ay iska caabiyeen weerarka ay ku soo qaadeen Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhowr jiho ka soo weeraray magaalada, waxuuna dagaalka xoogiisu ka dhacay dhinaca bari ee magaalada, gaar ahaan xaafadaha Buulo-bacaad, Rusiya, kawaanka Malaayga iyo goobo kale oo fariisimo ay ku leeyihiin ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 14-ka October.

Dad ku sugan magaalada Marka ayaa noo sheegay in goor dhaw uu joogsaday dagaalku, haatana rasaas goos-goos ah laga maqlayo qeybo ka tirsan magaalada, gaar ahaan goobihii lagu dagaalamay, taas oo ay ridayaan ciidamada dowladda.

Sida ay noo sheegeen goobjoogayaasha ku sugan magaalada Marka kooxihii weerarka soo qaaday oo markii hore dagaal ku galay qeybo ka tirsan magaalada ayaa dib uga laabtay, kadib markii ay iska cabin kala kulmeen ciidanka militeriga Soomaaliya ee guutada 14-ka October, kuwaas oo ka howlgala degmada Marka iyo tuulooyinka hoos taga.

Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas ayaan weli la ogeyn inta uu dhanyahay, faah-daahina kama bixin saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka caawa lagu weeraray magaalada Marka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here