AL-Shabaab oo weeraray saldhig ciidan gudaha Kenya

alshabab somalia

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero ciidan oo ku taalla ismaamulka Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari, ciidamada ammaanka Kenya ayaana sheegay iney iska caabiyeen kooxahii weerarka soo qaaday.

Wargeyska Daily Star ee kasoo baxa Kenya ayaa sheegay in dagaalyahanada weerarka soo qaaday iyo ciidamada Kenya uu dhexmaray dagaal socday ku dhawaad 15-daqiiqo, wuxuuna dagaalka ka dhacay xero ku taalla deegaanka Elram ee dhaca magaalada Ceelwaaq.

Rono Bunei oo ah taliyaha booliska gobolka waqooyi bari ayaa sheegay inuusan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray ciidamada ammaanka, sidoo kalana ay iska caabin ku sameeyeen kooxo soo qaaday weerar uu ku sheegay arbushaad.

Xerada ay weerareen dagaalyahanada Al-Shabaab waxaa la sheegay in dhawaan la dhisay balse deegaankaas ay dhawr jeer weeraro khasaare kala duwan geystay ay ku qaadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here