Al Shabaab: Waxaan dilay 17 Askari Maraykan iyo 9 Kenyan ah 7 Diyaaradood iyo 5 Baabuur-na

lamu weerar alshabaab

“17 Askari Maraykan Iyo 9 Kenyan Ah Ayaan Dilnay, 7 Diyaaradood & 5 Baabuur-na Waan Ku Gubnay Weerarkii Maanta Ee Saldhigga Millateri Ee Simba Camp Ee Lamu, Kenya” Al-Shabaab Oo Warsaxaafadeed Soo Saartay.

Waxaa soo idlaaday goor dhawayd weerarkii aadka u xoogganaa ee saaka aroortii hore ka bilawday saldhigga Milleteri ee Simba Camp kaasi oo ku yaal gacanka Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Bayaan goor dhawayd kasoo baxay xafiiska warfaafinta Al-Shabaab ayaa lagu faah-faahiyay khasaara hantiyeed iyo midka maaliyadeed ee ka dhashay weerarka oo qaatay wax ka badan 10 saacadood xidhiidh ah.

Warka kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu xaqiijiyay in weerarkaasi lagu dilay 17 askari oo Maraykan ah iyo 9 askari oo Kenyaati ah. Laguna gubay ugu yaraan 7 diyaaradood iyo 5 gaadhi oo noocyada dagaalka ah, kuwaas oo ay leedahay dowladda Maraykanka.

Bayaankan kasoo baxay Maktabka warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in Mujaahidiintu ay ku guuleysteen inay beegsadaan goobaha ugu adag ee amaankooda aadka loo ilaaliyo, taas bedelkeedana Maraykanku uu ka dhamaan la’yahay beegsashada caruurta iyo dumarka ee ku sugan guryahooda, goobaha waxbarashada iyo Suuqyada.

Xarakada Al-Shabaab waxay wacad ku martay inay sii wadi doonto beegsashada ciidamada Maraykanka ee duullaanka ka wada Soomaaliya, illaa inta laga saarayo wadamada Muslimiinta, kana joojinayaan taageerada indho la’aanta ah ee ay siinayaan Yahuudda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here