Algeria oo dalka Guinea kaga badisay 3 Goal

guinea iyo algeria

Xulkii metelayey Jamhuuriyadda Guinea oo guuldarro la yaab leh la hoyday, kolkii ay 3 gool oo aanay waxba kaga jawaabin ay Algeria kaga badisay.

Ciyaartan oo loogu baxayay siddeed dhammaadka, koobka Qaramada Afrika ayaa ka mid ahayd ciyaaraha ay taageerayaashu indhaha gaarka ah ku hayeen, gaar ahaan Guinea oo ciyaartoygooda Naby Keita ka maqan yahay, dhaawac awgii ayaa la eegayey halkay maqnaanshihiisa gaadhi karaan.

Jawi deggan oo ciyaartu ku bilaabatay ayaa hal mar isbeddelay markii ciyaaryahanka Mohamed Youcef Belaili, uu daqiiqaddii 24-aad kaga naxsaday Guinea goolkii koobaad.

Waxaana lagu kala nastay qaybtii hore ee ciyaarta oo 1:0 ay guusha ku hoggaaminayso Algeria, waxaana la filayey in Guinea ay dardar cusub la soo geli doonto, oo ciyaarta barbardhac ku soo celin doonto.

Hase yeeshee waxay wax waliba isbaddeleen, markii ciyaaryahankii reer Manchester City ee Riyad Mahrez, oo rejada ka sii laalay, isla mar ahaantaana goolkii labaad u dhaliyey Algeria, daqiiqaddii 57-aad.

Guinea oo u muuqatay, inay qanacday ayaa samaysay iskudeyo goolal loo fishay, asee ay ku hungoobeen. Waxaana xaaladdu sii xumaatay markii ciyaaryahanka garabka uga dheela Algeria ee Adam Ounas uu u saddaxeeyey xulka Guinea, sidaana natiijadu ku noqotay 3:0.

Xulka Algeria waxa uu iska sii xaadiriyey siddeed dhammaadka koobka qaramada Afrika, waxaa uu ka mid yahay xulalka durba saadaashu hayso ee la filayo inay koobkani hantaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here