Alshabaab oo iska fogeeyey dilka Ikraan Tahliil

ikraan tahliil

Ikraan Tahliil oo la shaqeyneysay Hay’adda Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya oo la weysanaa in ka badan labo bilood, waxaa xalay fiidkii soo baxay war sheegaya in “Al-shabaab ay dileen”.

Qoraal lagu baahiyay warbaahinta dowladda Soomaaliya waxay lagu sheegay in Hay’adda Sirdoonka Qaranka ay sheegtay in kaddib dabagal ay sameysay ay ogaatay in ay gacanta u gashay Alshabaab kaddibna ay dileen, iyadoo tacsi u dirtay qoyska gabadha oo baadigoobkeeda ku guda jiray.

Balse, Barta internet-ka ee Somali Memo oo baahisa wararka Al-Shabaab oo lagu tiriyo in ay taageero u tahay ururkan, ayaa qoraal la soo dhigay waxaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay iska fogeeyeen dilka Ikraan, isla markaana uusan wax shaqo ah ku lahayn.

Qoraalka waxaa lagu yiri: “Kama dambeyno waxbana kama ogin dilka gabadha lagu magacaabo Ikraan Tahliil ee u shaqeyneysay hay’adda NISA.

“La yaab ayeyna nagu noqotay in sirdoonka dowlada nagu masabido dilka gabadhaas, sida dadka Soomaaliyeed ula fajaceen warkaas ayaan anaguna la fajacnay,” sidaas waxaa sheegay mas’uul u hadlay Alshabaab ka soo xigatay barta Somali Memo.

Maxaa ku xusnaa qoraalka ay dowladda baahisay?

Ikraan Tahliil

Maxay qoyska gabadha ka yiraahdeen arrintaas?

Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah hooyada dhashay Ikraam Tahliil Faarax, ayaa gaashaanka u daruurtay in gabadheeda ay dileen ururka Al-Shabaab.

Warka dilka Ikraan oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa caawa fiidkii lagu shaaciyay warbaahinta dowladda, kaas oo tilmaamay in ururka Shabaab ay afduubteen gabadhaas kaddibna ay dileen, iyadoo aanan lagu darin wax faafaahin ah oo intaasi dheer.

Hasayeeshee hooyo Qaali ayaa sheegtay in hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA ay “ku raadganayso warkaas, iyagana ay mas’uul ka yihiin gabadheeda la la’yahay.”

Waxa ay ku adkaysanaysaa in illaa hadda uusan jirin war cad oo qeexaya xaalka gabadheeda geeri iyo nolol toona.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo arrintan la xiriira oo si rasmi ah uga soo baxay hay’adda sirdoonka ee Soomaaliya.

Waa Tuma Ikraan?

Ikraan waxay bishii August ee sanadkii 1996-kii ku dhalatay magaalada Muqdisho. Waxay ka mid tahay dhallinyarada dibadda wax kusoo bartay kaddibna dalka dib ugu soo laabtay.

Waxayna khibrad in muddo ah u lahayd shaqooyinka xafiisyada dowladda iyo laamaha amniga.

Gabadhan ayaa in ka badan shan sano ka hor ku biirtay hay’adda Nabad sugidda ama Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyadoo ahayd madixii amniga internet-ka ee hay’addaas.

Markii ugu horreysay ee ay NISA ku biirtay waxay ahayd sanadkii 2017-kii, sida uu warbaahinta u sheegay taliyihii hore ee sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Cali San Baloolshe.

Kaddib waxay ka shaqo billowday xafiiskii guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho oo ay agaasime ka ahayd.

Xoogaa kaddib Soomaaliya ayay ka baxday Ikraan inkastoo ay mar kale dib ugu laabatay. Hooyadeed waxay sheegtay in markii ay baxday ay aqoon kororsi u aadday dalka Ingiriiska.

2-Sida lagu “afduubay”

Inta badan wararka la isla dhex marayo waxay sheegayeen in Ikraan la afduubtay, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn cidda afduubatay, marka laga soo tago eedeymaha.

Gabadhan hooyadeed, Qaali Maxamuud Guhaad, ayaa sheegtay in gabadheeda iyadoo joogta guri u dhow xarunta nabad sugidda lasoo wacay kaddibna gaari lagu kaxeeyay.

Guriga ay ku sugneyd wuxuu ku yaallay agagaarka xarunta Nabad sugidda, oo ah goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo.

Qaali Maxamuud oo waddanka Turkiga uga timid si ay gabadheeda u raadiso ayaa shir jaraa’id warbaahinta ugu qabatay magaalada Muqdisho, waxayna dowladda ka codsatay in laga caawiyo sidii ay gabadheeda dib ugu heli lahayd.

“Aniga in sida ugu dhaqsiyaha badan wax la iila qabto ayaan rabaa, oo gabadheyda meesha ay ku jirto laga soo bixiyo. Gabadheyda meel dheer ma jirto, ma dhoofin, baasaboorkeeda aniga ayaa haayo, waddankaan ayay ku jirtaa, magaalada Muqdisho ayaa meel laga galiyay, ha la ii soo bixiyo,” ayay tidhi Qaali Maxamuud oo ah gabadha maqan hooyadeed.

Sidoo kale nabadoonno kasoo jeeda beesha ay ka dhalatay gabadha ayaa ku baaqay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo helo Ikraan Tahliil.

3- Gaarigii lagu “afduubay”

Ikraan Hooyadeed ayaa shaaca ka qaadday in ay jiraan dad ay ku tuhunsan yihiin gabadheeda, inkastoo aysan si cad u sheegin magaca cidda ay gabadha ku maleynayaan.

Waxay intaas ku dartay in la garanayo gaarigii lagu qaaday Ikraan markii ugu dambeysay ee ay ka baxday guriga.

“Waxaa la ii sheegay in maalintii ay bisha June ahayd 26, abaare 8:03 ay iyadoo laptop wadata guriga ka baxday. Gaari la yaqaanno ayay racaday sida aan xogta ku heyno markii aan aragnay kaamirooyinka CCTV-ga,” ayay tidhi gabadha hooyadeed.

Laakiin xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, ayaa sheegay in uu xarun ka mid ah xarumaha hay’adda nabad sugidda kusoo arkay gaari baraha bulshada lagu sheegay inuu ahaa kii gabadha lagu qaaday, wuxuuna sheegashadaas ku qeexay eed aan sal iyo raad toona lahayn.

“Waxaa baraha bulshada ku jira baabuur, baabuurkaasna waxaan ahaa qofkii ugu horreeyay ee la tusay, xarumaha nabad sugidda mid ka mid ah ayaa la iiga yeeray, kaamiradi ayaan fiirinnay, baaburki ayaa la daba galay, waxaana yeeshay shakhsi hay’adda ka tirsan. Haddii hay’adda wax lagu tuhmaayo sawirkaasba ma aysan soo saarteen,” ayuu yidhi.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa sheegay in ay ku jiraan howsha la xiriirta raadinta gabadha, wuxuuna warbaahinta u sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay qeyb ka yihiin dadaalkaas.

“Waxaan ka codsanayaa umadda Soomaaliyeed in ciddii xog ka heysa ay nala soo wadaagaan, ayna ila soo xiriiraan aniga oo ah adeerkeed, ahna xildhibaankeeda,” ayuu yidhi.

Wuxuu xildhibaanka ka digay dadka eedeymaha ku saabsan sida ay Ikraan u maqan tahay ku faafinaya baraha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here