Amarkii DFS ee lagu hakiyay duulimaadyada Caalamiga ah oo dhaqan galay

garoonka muqdisho adan cade2

Waxaa maanta si rasmi ah Magaaladda Muqdisho iyo Goboladda dalka uga  dhaqangalay go’aankii dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay duulimaadyada caalamiga ee iman jiray dalka Soomaaliya, kaddib faafitaanka cudurka Coronavirus oo qeyb ahaan laga helay dalalka dariska la ah Soomaaliya.

Go’aankan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa dhiggaya muddo 15 cisho ah aanay wax diyaarado  caalami ah dalka imaan doonin, sababo la xiriira ka hortagga cudurka Coronavirus oo adduunka ku faafay, kaasoo ay kumanaan ruux u dhinteen.

Ma jirto duulimaad caalami ah oo saakay ka soo  degay garoonka diyaaradaha Aadan cadde oo maalin walba ay soo caga  dhigan jireen diyaarado ka yimaada dalal kala duwan.

Sidoo kale Goboladda dalka ma jiraan duulimaadyo caalami ah maanta ka dagay sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen Masuuliyiin ku kala sugan Garowe,Dhuusamareeb,Jowhar,Baydhabo iyo Kismaajo.

Dhanka kale Diyaaradda Flydubai ayaa la sheegayaa inay saaka dib ula noqotay rakaab ku soo waajahnaa magaalada Hargeysa.

Dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ay joojisay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ee Garoomada dalka, muddo 15 maalmood ah cudurka Coronaha awgii.

Inta badan dalalka adduunka ayaa joojiyay duulimaadyada caalamiga ah ee dalkooda, si looga hortago cudurkan ka dilaacay adduunka ee sida safmarka ugu faafay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay waqti  badan gelineysa sida looga hortegi karo cudurka Coronavirus oo dalal  badan saameyn ku yeeshay, iyadoo illaa hadda Soomaaliya laga helay hal  kiis oo ah muwaadin Soomaali ka yimid dalka China.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa 28 Disembar 2017 si rasmi ah ula wareegtay maamulka hawada dalka oo tan iy burburkii ay gacanta ku hayeen hay’ado ajaaniib ah.

Xarunta laga Maamulo hawadda Soomaaliya, ayaa laga hergeliyay gudaha Garoonka Aaddan Cadde, halkaasoo markii hore laga maamuli jiray ka hor burburkii dowladda dhexe 1990-kii.

Waxaa maamulka Hawada Soomaaliya la wareegtay SCAMA [Somali Civil Aviation and Meteorology Authority], kadib markii uu kasoo baxay gacanta ICAO.

Tan iyo wixii ka dambeeyay 1991, waxaa gacanta ku haysay maamulka hawada dalka Hay’adda ICAO, oo hoostagta Qaramadda Midoobay, taasi oo dhaqaale fara badan ka qaadi jirtay Diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here