Amiir Katirsanaa Al Shabaab oo Lagu Dilay Gobolka Shabellaha Dhexe

shabaab sarkaal

Sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka waxaa howlgal laga sameeyey Gobolka Shabellaha Dhexe lagu dilay Amiir katirsanaa Ururka Al Shabaab.

Howlgalka oo laga fuliyey Deegaanka Cali Fool dheere ee hoostaga Degmada Mahadaay ayaana lagu khaarajiyey Shariif Maxamed Abuukar iyo Istaafkiisii.

Ninka la dilay ayaa Ahaa Amiirkii Deegaanka Cali Fool dheere iyadoo ilaa hadda aysan Al Shabaab ka hadlin Weerarkaasi.

Taliyaha Ururka 65aad, Guutada 4aad Qeybta 27aad ee ciidanka Xoogga Dalka, Kabtan Cali Yuusuf Macallin ayaa Warbaahinta Codka Dawlada Soomaaliya u xaqiijiyey Dilka Amiirkaasi iyo Dagaalyahanada la socday.

Dhawaan waxaa lagu Dilay magaalada Jowhar Gudoomiye kuxigeenkii Amniga Gobolka Sh/Dhexe Muxumed Sugaal Cusmaan,taas oo la leeyahay howlgalkani waxa uu aarguditaan u yahay Sargaalkaasi la dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here