Amiiradii uu xiray Maxamed Bin Salmaan oo kireystay shirkado Mareykan ah oo ay kaga hortagaan

mohamed bin salmaan

Xubno ka tirsan qoyska boqortooyada ee u xiran dowladda Sucuudiga ayaa shaqaaleysiiyay dad xiriir dhow la leh Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump si ay ugu ololeeyaan in xabsiga laga sii daayo, sida ay warisay New York Times.

Xubno ku dhow Amiir Salman bin Abdulaziz bin Salman al Saud ayaa shaqaaleysiisay Robert Stryk oo xiriir xoogan la leh siyaasadda arrimaha Dibadda ee Trump si uu ugu ololeeyo sii deynta amiirka, ayey werisay The Times.

Qoraal ay gudbisay shirkad uu leeyahay Stryk oo lagu magacaabo Sonoran Policy Group ayaa lagu muujiyey in uu ololaha gaarsiin doono Maraykanka , Britain, France iyo Midowga Europe, muddo lix bilood ah si loo sii daayo Amiir Salmaan.

Sida ay baahisay New York Times, Stryk waxaa uu xiriir la leeyahay xubno muhiim ah oo ka tirsan dadka ku hareereysan Madaxweyne Trump. Waxaa uu la shaqeeyay qareenka Madaxweynaha, Rudy Giulian, waxaana uu saaxiib dhow la yahay  Kirsten Fontenrose oo hogaaminayay siyaasadda Amniga Qaranka Mareykanka ee ku wajahan Sacuudiga ka hor intii uusan is-casilin sanadkii 2018-kii.

The Times waxaa ay sidoo kale sheegtay in la taliyaha dhaxal sugihii hore ee Maxamed bin Nayef uu shaqaaleysiiyay Barry Bennet oo la taliye u ahaa ololaha madaxweyne Trump.

Maxamed bin Nayef oo ah wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Sacuudiga, islamarkaana uu abti u yahay Boqor Salmaan waxaa la rumeysan yahay in la xiray bishii March kadib markii Maxamed bin Salmaan uu xabsiga u taxaabay amiirro ka tirsan qoyska boqortooyadda.

Amiirka xiran waxaa sanadkii 2015-kii loo magacaabay in uu xilka ka sugayo boqor Salmaan, balse waxaa lagu beddelay Maxamed bin Salmaan bishii June ee 2017-kii.

Wixii xilligaas ka dambeeyay bin Nayef, waxaa laga qaaday ilaaladiisa, taleefanadiisa, gunadiisiina waa laga xayuubiyay, loomana ogoleyn in uu dibada u socdaalo. Dad xaaladda ka warqaba ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye in dhaxal sugaha uu saaxiibadiis u cawday islamarkaana uu warqad u diray boqorka, taasi oo uu ku codsaday in uu la baxo lacagaha ay u ogoshahay boqortooyada.

Dhanka kale, wakiilo ka socda gabadha amiiradda ah ee Basmah bint Saud Al Saud, ayaa la xiriiray qareeno jooga magaalooyinka Washington iyo London si ay arrinteeda u taageeraan.

Bishii lasoo dhaafay, ayaa Amiirad Basmah waxaa ay qoraal ku shaacisay in eed la’aan la xiray, waxay boqor Salaam iyo Maxamed bin Salmaan ka codsatay in ay sii daayaan.

Si kastaba ha ahaatee, wakiiladda Basmah waxay sheegeen in aysan awood u lahayn in shaqaalaystaan shirkad olole sababtoo ah Dowladda Sacuudiga ayaa xanibtay akoonadii bankiga kadib markii ay twitter-ka ku dalbatay in la caawiyo

Xildhibaano Maraykan ah ayaa muujiyay walaacooda ku aadan xukunka Maxamed bin Salmaan, dagaalka militari ee uu ku qaaday Yemen, dilkii Jamal Khashoggi, iyo dagaalka saliida ee Saccudigu la galay Russia. Maxamed Bin Salman ayaa hadda u muuqda mid laga sii nacayo Washington, taasi oo ay ka faa’iideysan karaan xubnaha la xiray, si cadaadid loo saaro Bin Salman.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here