AMISOM oo shaacisay doorka ay ka qaadanayso doorashadda soo socota

Danjire Madeira4

Madaxa Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) Danjire Francisco Madeira iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEC), Xaliima Ismaaciil Ibraahim.

Dood-wadaag ayaa diirada lagu saaray doorashooyinka soo socda iyo doorka Ciidanka AMISOM.

AMISOM ayaa mar kale ku nuuxnuuxsatay sida ay uga go’antahay inay kala shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya sugida amniga doorashooyinka.

Waxa ay sidoo kale sheegtay AMISOM in ay taageero Buuxda ay siin doontu Guddiga doorashooyinka Qaranka si loo dhameystiro howlaha doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here