Ammaanka Villa Soomaaliya oo si weyn loo adkeeyey

villa somalia1

Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si aad ah u xoojiyey amniga waddooyinka soo gala dhismaha xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Ciidamo dheeraad ah ayaa saaka la soo dhoobay koontaroolada ka agdhow madaxtooyada, kuwaas oo wada dhaq dhaqaaq lagu xaqiijinayo amniga.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa bilaabay inay mas’uuliyiinta qaar ilaalada uga reebaan afafaaka hore ee madaxtooyada Qaranka.

Wararka ayaa sheegaya in kaliya loo ogol yahay in illaaladooda ay la gudbaan, wasiirada, wasiir Ku xigeenada, taliyeyaasha iyo mas’uuliyiinta xilalka sare haya.

Arrintan ayaa sababtay in saaka waddooyinka ka agdhow Villa Soomaaliya lagu arko ciidamo fara badan oo laga reebay mas’uuliyiintii galay xarunta Madaxtooyada.

Tallaabadan cusub ayaa timid, kadib weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday hoteelka SYL, kaas oo ay fuliyeen 5 nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ku labisnaa dareeska ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Dowladda ayaa qorshahan ku dooneyso inay ku xoojiso amniga, ugana hortagto in weeraro kale ay agagaarka madaxyooyada ka fuliso kooxda Al-Shabaab.

Weerarkii SYL oo dhacay habeenkii Arbacada ee la soo dhaafay ayaa waxaa uu qaatay ku dhowaad  8 saacadood, waxaana ku dhintay illaa 5 qof oo askar ay ku jiraan, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hay’adaha ammaanka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here