Aqalka Odayaasha Mareykanka oo laalay eedihii loo heystay Trump

trump

Aqalka Odayaasha Mareykanka ayaa Madaxweye Donald Trump ka bariyeelay gole joojinta iyo maxkamadeynta madaxweynaha, iyadoo ay arrintaan ka dhigan tahay inuu fashilmay iskudaygii lagu doonayey in Trump xilka looga qaado.

Aqalka Odayaasha oo ay ku xoogan yihiin xisbiga Trump ee Jamhuuriga ayaa ka codeeyey eedihii loo soo jeediyey Trump ee ahaa inuu si xun u adeegsaday awoodda isla markaasna uu hor istaagay shaqadii Congress-ka Mareykanka.

Bishii December  ee sanadkii tagay Xisbiga Dimoqraadiga ayaa Trump dusha kaga tuuray eedo la xiriira in uu cadaadis saaray Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky si meel looga dhaco sumcadda ninka kula tartamay doorashooyinkii dhacay sanadkii 2017.

Bisha November sanadka 2020, Trump ayaa noqonayo madaxweynihii ugu horeeeyey ee gala doorashooyin madaxtinimo kadib markii loo maxkamadeeyey in laga tuuro xilka.

Codbixintiisii taariikhiga ahayd ee Arbacadii, golaha guurtida ayaa go’aansaday inuusan xilka ka qaadin madaxweynaha 45-aad ee Mareykanka iyadoo lagu soo oogay eedeymo la xiriira xiriirka kala dhaxeeyay Ukraine.

52 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka koowaad ee Trump lagu eedeeyay, halka 48 mudane ay oggolaadeen.

53 mudane oo Jamhuuri ah ayaa codka “MAYA” ugu coddeeyay qodobka labaad ee Trump lagu soo eedeeyay, halka 47 kalena ay oggolaadeen.

​Mitt Romney ayaa noqday mudanaha kaliya ee Jamhuuriga ka tirsan ee la saftay mudanayaasha dimoqraadiga kaddib markii “HAA” ugu codeeyay qodobka koowaad ee dhigayay in madaxweynuhu uu ku takri falay awooda.

Haddii Madaxweyne Trump lagu xukumi lahaa labada eed ee loo soo jeediyey, wuxuu xafiiskiisa ku wareejin lahaa ku xigeenkiisa Mike Pence, wuxuuna xilka ku weyn lahaa seddex meelood laba meel.

Siduu Trump uga falceliyey?

Madaxweyne Trump oo raadinayo in mar labaad loo doorto madaxweynaha Mareykanka afarta sano ee soo socoto marka la gaaro 3 Bisha November ayaa had iyo jeer beeniyo inuu wax qalad ah galay.

Trump oo ku jiro ololihiisa dib u doorashada ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen Kooxda qaabilsan Ololaaha waxaa lagu yiri “Madaxweyne Trump gebi ahaanba waa la bariyeelay, haatana waxaa la joogaa waqtigii dib loogu noqon lahaa danaha dadka Mareykanka, xisbiga Dimoqraadiga ayaa isku dayey inuu xilka ka qaado”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here