Aqalka Sarre ee DFS oo meelmariyey sharciga Batroolka

aqalka sare

Kulankii 24aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare BFS Ajandaha kulanka ayaa ah akhrinta 2aad ee Hindise -sharciyeedka Batrooolka.Kulanka waxaa shir guddominaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid xuseen Guhaad.

Waxaa hor-yimid Golaha Aqalka Sare Wasiirka Batroolka XFS Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ,Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Batroolka Mudane Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal iyo Xubno kale ee Wasaarada ayaa ku wehliyay.

Guddomiyaha Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha dhaqaale iyo Gaadiidka ee Golaha Aqalka Sare ayaa ka hor akhrisay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hibdise-sharciyeedka Batroolka.

Senarada Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa guda galay dooda kuaadan Akhrinta 2aad ee Hibdise-sharciyeedka Batroolka.

Waxaa lagalay qaybta danbe ee fadhiga maanta ayada ay soo jeedin keneen Senatarada qaarkood.

Qaybta danbe ee kulananka maanta ayaa looga dooday soojedin Senatarada ay soo gudbiyeen oo aheeyd in la anssixiyo Hinidse-sharciyeedka Batroolka sida uu oga soo gubay Golaha Shacabka ee BFS.Waxaa u codeeysay 28 Senatar. Waxaa Ogaaladay 24 Senatar. Waxaa ka amusay 4 Senatar.

Kulankii 25aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha Aqalka Sare BFS. Kulanka waxaa shir guddominaayo Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayada oo ay ku-wehliyaan Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Moowlid xuseen Guhaad.

Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xashi Cabdullahi ayaa ku dhawaaqa in uu Hindise-sharciyeedka Batroolka sidaa ansax kuyahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here