Aqalka Sarre oo guddi u saarey sharciga doorashooyinka qaranka

Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa magacaabay Guddi ka shaqeyn doona Sharciga Doorashooyinka qaranka oo dhawaan la horgeyn doono Xildhibaanada Aqalka Sare.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu magacaabay Guddigan oo ka kooban 7-xubnood oo dhamaantood ka tirsan Mudanaaysha Aqalka sare.

Sidoo kale Guddigan ayaa ka shaqeyn doona sidii Aqalka Sare loo horgeyn lahaa Sharciga Doorashooyinka qaranka, iyagoona dood adeg ka yeelan doona sharciga.

Si kastaba Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyay Sharciga Doorashooyinka qaranka.

Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha la magacaabay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here