Aqriso: Afarta qodob ee uu Baarlamaanku u cuskaday xil ka qaadista R/W KHEYRE

kheyre iyo mursal

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta si lama filaan ah u shaaciyey inuu kalsoonidii kala noqday Ra’iisul wasaarahii Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Guddoomiye Mursal iyo xildhibaanada golaha ayaa Afar qoddob u cuskaday xil ka qaadista ay maanta ku sameeyeen Xasan Cali Kheyre iyo xukuumadiisa.

Guddoonka iyo qaar kamid ah xildhibaanada golaha ayaa ku doodaya in xukuumadda uu hogaamiyo Kheyre ay gebi ahaanba ku fashilantay amniga iyo arrimihii federaalka, oo maalmihii u dambeeyay laga gaaray heshiis is-faham.

Sidoo kale xukuumaddii Kheyre ayaa lagu haystaa inay gebi ahaanba ku fashilantay hanaanka doorashooyinka ee 2020/2021 iyo weliba dhameystirka Dastuurka dalka oo weli qabyo ah.

Afartaasi qoddob waa kuwa ay Guddoonka iyo xildhibaanadu ku eedeyeen xukuumaddii Kheyre, isla markaana ay daaqada uga saareen wallow la rumeysan yahay in arrintaasi salka ku hayso khilaafka ka dhex qarxay Farmaajo iyo Kheyre.

Kheyre iyo Farmaajo ayaa isku fahmi waayay nooca doorasho ee dalka ka qabsoomeysa marka la gaaro xiliga ay dalka ka qabsoomi laheyd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here