Arday Jaamacadeed farabadan oo lagu xasuuqay qaraxa Ex-Kontarool+Sawirro

qarax exkontorool afgooye2

Ku dhawaad 20 arday oo saarnaa gaari Caasi ah oo la sheegay in ay leedahay Jaamacadda Banaadir ayaa ka mid noqday dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxii waxyeelada badan geystay ee ka dhacay Isgoyska Ex Kontrool Afgooye.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in arday badan ay ku dhinteen Qaraxa gaar ahaa arday ka tirsan Jaamacadda Banaadir.

Waxaa uu sheegay in Qaraxa uu haleelay gaari Caasi ah oo ay saarnaayeen Ardayda.

Ku dhawaad 30 qof Meyd ah ayaa yaalla goobtii Qaraxa ka dhacay, waxaana sidoo kale Isbitaallada la geeyay Meydadka dad badan 90 ruux.

Burbur xooggan ayuu sidoo kale gaarsiiyay Qaraxa Isgoyska iyo Xaafaddaha ka agdhow.

Dowladda Soomaaliya ayaa wali ma xaqiijin tiradda rasmiga ah ee ay waxyeelado soo gaartay, waxaana wali socda dadaallo lagula tacaalaayo dhibaatadda ka dhacday goobta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here