Aroos Soomaali oo 5 qof oo keli ah uga qeybgaleen Coronavirus dartiis

aroos

Cudurka Corona marka laga soo tago dhibaatada uu gaarsiiyay noolasha iyo dhaqaalaha caalamka, ayaa waxaa muuqata in uu sidoo kale saameeyay dhinacyo kale sida arrimiha bulshada gaar ahaan guurka.

Dowlado badan ayaa mamnuucay in dadka ay ku kulmaan goobaha waxbarashada, cibaadada iyo xitaa aroosyada si loo yareeyo faafitaanka cudurkani Covid-19.

Amarkaasi waxa uu saameeyay aroosyada Soomaali badan oo ku nool dalalka qurbaha oo doonayay inay aroosyo dhigtaan.

Dalka Autsralia waxaa dhacday in aroos dhan ay shan qof oo caruuskii iyo caruusaddii ay ku jiraan ay ka soo qeyb galaan.

Sucaad Xasan iyo Maxamed Yuusuf ayaa doonayay in ay dhigtaan aroos ay ka soo qayb galaan 400 oo qof, balse taasi ma dhicin.

Dowlada Autsralia waxay mamnuucday in ay bulshada isu timaado, waxaana ka mid ah waxyaabaha la mamnuucay aroosyada.

Arrintan ayaa Sucaad iyo seygeeda Maxamed waxay ku qasabtay inay dhigtaan Aroos ay ka soo qeyb galeen 3 qof.

“Shan qof ayay noqotay inaan aroos ku dhiganno guriga dhexdiisa,, shantii qof waxay noqotay aniga, xaajigeyga, labadii Manxiis iyo waliba qofkii muqaalka noo duubayay,”ayay tiri Sucaad oo BBC u warantay.

Sucaad ayaa intaa ku dartay in arooskooda ay qorsheeyeen bishii January ee sanadkan islamarkana ay go’aansadeen in arooskooda uusan baaqan, iyada oo ay jirto caqabadan ka timi cudurka Corona.

“Sidii loo dhigan jiray ayaan u dhiganay inkastoo uu qarash noo baaqday,” ayay tiri.

Qaab noocee ah ayuu u dhacay arooska?

Sucaad Xasan oo sharxaysa qaabka uu arooska u dhacay ayaa sheegtay in arooskoodu uu u dhacay si caadi ah marka laga reebo in aysan dad badan ka soo qeyb galin.

“Qaabka waxaa uu ahaa, casho sharaf ayaan sameysanay,shanteena qof ayaana ka qeyb galnay oo qof lixaad xitaa ma jirin, shanteena qof ayaa sidii uu aroos u dhici jiray u dhiganay,”ayay tiri Sucaad.

Waxa ay Sucaad intaa ku dartay in arooska labiska iyo wax walba oo kale oo labada Caruus laga doonayay ay sameeyeen.

“Suudkii ayuu xirtay xaajigeyga anigana waxaan xirta Taashkeyga, labo manxiis ayaan soo kaxeysanay, manxiis dhankiisa ka socda iyo manxisad dhankeyga ka socota, waxaan shidanay sameecadihii iyo wixii oo dhan,” ayay tiri sucaad.

Sucaad Xasan ayaa dhanka kale sheegtay in ay aad uga xun tahay in ehelkeeda iyo asxaabteeda aysan u suragalin inay arooskeeda ka so qeybgalaan.

“Dhinac marka laga fiiriyo arooska wuxuu noqday si yaraha murugo ah oo asxaabtii iyo qoyskii aan uga talagalay kama aysan soo qeyb galin, dhan marka laga eegana qarashkii ayaa ii baaqday,”ayay tiri Sucaad.

Qarash badan ayaa ii baaqday

Sucaad Xasan ayaa farta ku fiiqday in marka la eego dhankii qarashkii ku bixi lahaa arooska ay u baaqdeen.

Waxay intaa ku dartay in ay qorsheeyeen in arooska ay ku bixiyaan lacag dhan $20,000 islamarkana ay dad boqollaal dhan ak qeyb galaan.

“Qarashka hore waxaa la kireynayay Huteel,waxaa imaanayay ilaa 400 oo qof oo ka soo qeyb galeysay marka lacagta aad ayay u badan tahay ilaa 20 kun oo doolar ayaan ugu talagalay,”ayay tiri Sucaad.

Waxa ay sheegtay in lacagta imika ku baxday xitaa ka yar tahay $1000 doolar.

“Hadda waxaa naga baxday waxaan dhaneyn 1000 doolar, 20 kun ee doolar ee aan ugu talagalay way ii baaqatay,” ayay tiri.

Fariinta Sucaad ee Hablaha.

Sucaad Xasan ayaa dhanka kale fariin u dirtay gabdhaha kale ee iyagu qorshaynaya inay guursadaan, balse cudurka Corone dartii laga yaabo in uu arooskooda dib u dhaco.

Waxaa ay intaa ku dartay in maadaama aan la ogeyn waqtiga uu dhammaanayo feyriska Corona aysan gabdhaha iyo wiilasha dib u dhigin aroosyada.

“Waxaan kula talin lahaa maadaama ay rabaan inay aqal dhistaan oo ay guursadaan,waxaan dhihi lahaa guursada sideyda oo kale oo igu dayda, cudurkaan waqti uu baxayo lama oga,”ayay tiri Sucaad.

BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here