Askar kasoo baxsatay Axmed Madoobe oo soo lugeeyey Kismaayo illaa Muqdisho

ciidanka xoogga qaybta 60aad

11 askari oo haray uga tirsanaa jiray ciidanka daraawiishta Jubbaland ee Axmed Madoobe, oo ka soo lugeeyey magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ciidankan oo markii hore ay tiradoodu gaareysay 16 askari ayaa Al-Shabaab dagaal culus kula galay degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose oo qiyaastii 60KM u jirta magaalada Kismaayo.

Dagaalkaas waxaa looga dilay shan askari, waxayna Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku heynta magaalada Jamaame oo ay muddo joogeen. Markii ay ku adkaatay inay sii joogaan Jamaame, kuna laaba waayeen dhulka uu ka arimiyo maamulka Jubbaland ayey go’aansadeen inay u soo lugeeyaan  Muqdisho.

Cabdirisaaq Cabdi Cumar oo ah sarkaalka hoggaaminaya ciidankaas ayaa sheegay in mudo todobaad ah ay ku qaadatay inay soo gaaran Muqdisho iyagoo dagaallo culus kala soo kulamay Al-Shabaab.

Cabdirisaaq waxa uu sheegay in socdaalkii ay uga soo baxeen Jamaame ay ku soo galeen degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe oo mid ah goobaha ay ugu awoodda badan yihiin Al-Shabaab, isagoo sheegay in ilaa seedax goobood oo ay Zekawaad ku aruursanayeen ay kula dagaaleen Al-Shabaab kuna laayeen.

Waxa uu sheegay in rafaad dheer kadib, 11-koodii oo wata hal askari ay maalinka hor soo gaareen magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo ugu horeysay meel ay ka taliso dowladda Soomaaliya.

Sarkaalkaan ayaa sheegay inay Baraawe ka soo raaceen Doon, taas oo keentay xeebta Jaziira ee magaalada Muqdisho, halkaas oo sida uu sheegay ay ka soo wadeen ciidamo ka tirsan Militeriga Soomaaliya oo ay ka codsadeen inay ka horyimaadaan.

Ugu danbeyntii sarkaalka u hadlay ciidankaas ayaa sheegay inaysan wali helin cid la hadashay dadaal badanna ay galiyeen sidii ay ku heli lahaayeen taliyaha ciidanka xoogga dalka, balse wali aysan u suurta galin.

Waxay madaxda ugu sarreysa dalka ka codsadeen inay u raadiyaan xuquuqdooda, iyagoo sheegay inay wataan hubkooda oo dhameys tiran meeshii loo dirana ay ka howlgalayaan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo maanta hor tegay xildhibaanada golaha shacabka ayaa mar uu soo hadal qaaday awoodda Al-Shabaab waxa uu sheegay inay jiraan 15 askari oo ka soo baxay Kismaayo, kuwaas oo soo dhex maray Al-Shabaab lugna ku soo galay Muqdisho, taas oo sida uu sheegay muujinaysa itaal yarida Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here