Askar loo qoray ciidanka booliska Kenya oo farxad awgeed hadallo cadho dhaliyay ku hadlay

kenyan police

Taliska ciidamada booliska ee dalka Kenya ayaa cambaareeyay muuqaal laga arkayo koox dhawaan ka qalin jabisay imtixaanka qorashada askarta oo sheegaya sida ay u yihiin “dadka xun”.

Muuqaalkan ayaa si weyn ugu waafay baraha bulshada ee waddankan ku yaalla bariga Afrika, iyadoo dad badanna ay arrintan ka muujiyeen walaac.

Madaxda booliska ayaa hadallada kasoo yeeray askartaas mar dhow la qoray ku tilmaamay “mas’uuliyad darro, wax aan la aqbali karin iyo taxaddar la’aan”.

Muuqaalkan ayaa sii xoojiyay fikradaha ay dadka reer Kenya qaarkood qabaan ee ku saabsan in askartooda qaarkood ay u dhaqmaan sida tuugada oo kale.

“Way dhammaatay, waa sidaas … waan dhammeystirnay, way noo dhammaatay howsha. Wakiil ayaan ka nahay, waa maxay waxaan? Koofiyad Cas!” ayuu yiri mid ka mid ah kooxda muuqaalka ku jira oo ku hadlaya lahjadda Kenya ee loo yaqaanno “Sheng”.

“Hadda waxaan usoo baxeynaa bannaanka [waan qalinjabineynaa], waxaana nahay kuwa xun xun” Pa! Pa! Pa! guutada 26-aad! Waxaan nahay kuwa xun xun.”

Dadka reer Kenya ee isticmaala baraha bulshada ayaa walaaca ay ka qabaan muuqaalkan isla wadaagayay, iyadoo qaarkood ay sheegayeen in tani ay muujineyso koox rag ah oo handadaas sameynaya halkii ay shacabka uga adeegi lahaayeen.

Kuwo kalena waxay sheegeen in erayadooda ay markhaati ka yihiin sida ay u damacsan yihiin inay dadweynaha qaab qallafsan ula dhaqmaan marka ay soo qalin jabiyaan.

Muuqaalkan ayaa yimid xilli kiisaska ku saabsan falalka xadgudubyada ah ee ka dhanka ah booliska Kenya ay sii kordhayaan, iyadoo dhowr bilood uun ay ka harsan yihiin doorashada guud.

Kenya ayaa taariikh dheer ku leh in booliskeeda ay awood xad dhaaf ah u adeegsadaan fulinta sharciga, taasoo inta badan sababta dhimasho, balse saraakiisha amniga lalama xisaabtamo.

Bayaan kasoo baxay taliska booliska qaran ayaa lagu sheegay in dib u eegis gudaha ah lagu sameynayo arrintan, tallaabooyinka ku haboonna laga qaadi doono.

Booliska ayaa sheegay in muuqaalkaas uusan ka turjumeynin fikirka guud ee ciidanka loo yaqaanno GSU-da, oo ah boolis sida militeriga u tababaran.

Balse qaarkood ayaa dhinaca baraha bulshada ku maadeystay dhacdadaas.

Waxay arrintan buuqa kicisay kusoo aadday kaddib markii askari ka tirsan booliska Kenya uu Talaadadii toogasho ku dilay xaaskiisa iyo shan ruux oo kale, isagoo adeegsanayay qori noociisu yahay AK-47.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here